1Meeshaasuu ka soo kacay oo wuxuu galay soohdimaha Yahuudiya oo Webi Urdun ka shisheeya. Mar kale dadkii badnaa baa u soo ururay, oo sida caadadiisu ahaan jirtay, ayuu haddana wax baray. 2Markaasaa Farrisiintu u timid oo weyddiisay, Ma xalaal baa in nin naagtiisa furo? Wayna jirrabayeen. 3Kolkaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Muuse muxuu idinku amray? 4Waxay yidhaahdeen, Muuse waa fasaxay in warqaddii furniinta la dhigo oo la furo.