Ku saabsan injiilka Markus

Injiliyada Markus waa diiwaanka ugu qaaday ee loo qoray Ciise ee Nazaret, oo ku qoray dhawaan 65-kii AD oo saaxiib dhow ah ee Ciise iyo arbeenkiisa, Peter. Mark waa qeyb ka mid ah Biibka Barakeysan — buugga labaad ee Agaadka Cusub. 16 Cudubtii uu fallaal ku qabsaday ayaa muuqata aqoonsiga gaar ah, barashada iyo shaqada Ciise. Injilla ayaa macnaa 'war wanaag', Markus oo buugkan ku tilmaamay “wararka wanaagsan ee ku saabsan Ciise Masihias”.

Waa maxay Injiilka?

Biibka Barakeysan ayaa noo baray in dhamaan dadka u qalansan ceeb iyo xukunka dhambaadkeena. Laakiin war wanaagsan waa in Ciise ku geeriyooday isla markaana qaaday xukunka aan u qalmo. Maalintii Seddexaad wuxuu laga soo qaaday dhimashada si uu cadeeyo inuu bixiyay dhambaadka qof kasta oo isaga aaminsan. Marka aan Ciise u kalsoonayno Rabbi iyo Badbaadin, ilaah oo si buuxda iyo walba noo cafiyey. Waxaan ku jira xiriir dhab ah oo dib u soo celiyey Allaah oo marnaba dhammaan doono.

Talooyinka akhrista

Buugkan waxaad baadhi kartaa tababka iyo tiradaha ayada (eeg xiriirka hoose ee bogga si aad u bedeli cutubka). Tusaale ahaan, 'Marko 8:29' ayaa tilmaamaya Markus Cutubka 8, ayada 29. Maadaama Biibka waa buug hore oo ka socda meel kale, waxaa jira waxyaabo badan oo aad adag ku heli kartaa inaad horreyn fahamaan. Marka tan dhacdo, baryaa caawin Allaah, oo ka fiiri akhrista buugga la leeyahay raaciye ciyaareed ciyaareed ee Ciise. Faallooyinka online sida bibleref.com ayaa sidoo kale kugu caawin kartaa sida aad barasho.

MARKOS

MARKOS 13

  1. 1
  2. 2
  3. 3
  4. 4
  5. 5
  6. 6
  7. 7
  8. 8
  9. 9
  10. 10
  11. 11
  12. 12
  13. 13
  14. 14
  15. 15
  16. 16
1Goortuu macbudka ka baxay, xertiisa midkood ayaa ku yidhi, Eeg, Macallimow, dhagaxyada iyo dhismaha siday u weyn yihiin! 2Ciise wuxuu ku yidhi, Guryahan waaweyn ma arkaysaa? Halkan lagu dul dayn maayo dhagax dhagax kale dushiisa oo aan la dumin doonin.
3Oo intuu Buur Saytuun fadhiistay, meel macbudka ku toosan, Butros iyo Yacquub iyo Yooxanaa iyo Andaros waxay keli ahaan u weyddiiyeen, oo ku yidhaahdeen, 4Noo sheeg, Goormay waxyaalahanu ahaan doonaan? Calaamadu maxay ahaan doontaa, goortii waxyaalahan oo dhan dhammaan u dhowaan doonaan? 5Ciise baa u jawaabay oo bilaabay inuu ku yidhaahdo, Iska eega yaan laydin khiyaanayn. 6Qaar badan ayaa magacayga ku iman doona, oo waxay odhan doonaan, Anigu waxaan ahay isaga, oo qaar badan ayay khiyaanayn doonaan. 7Goortaad dagaallo maqashaan iyo dagaallo hadalhayntood ha baqanina. Waxaasu waa inay dhacaan, laakiin dhammaadku weli weeye. 8Waayo, quruunba quruun bay ku kici doontaa, boqortooyona boqortooyo, oo waxaa meelo kala duwan ka dhici doona dhulgariir iyo abaaro. Waxanu waa bilowga hoogagga.
9Laakiin iska jira. Waxaa laydiin dhiibi doonaa shirar, oo sunagogyo waa laydinku karbaashi doonaa; taliyayaal iyo boqorro hortooda ayaad daraadday u istaagi doontaan inaad markhaati u ahaataan. 10Horta injiilka waa in lagu wacdiyo quruumaha oo dhan. 11Oo goortii laydin wado oo laydin gacangeliyo, horta ha ka welwelina wixii aad ku hadli doontaan; laakiin wixii saacaddaas laydin siiyo, waxaas ku hadla, waayo, ma aha idinka kuwa hadlayaa laakiin waa Ruuxa Quduuska ah. 12Walaalba walaalkiis wuxuu u dhiibi doonaa in la dilo, aabbena wiilkiis, carruurna waalidkood ayay ku kici doonaan, oo dhimasho ay gaadhsiin doonaan. 13Dadka oo dhan ayaa magacayga aawadiis idiin necbaan doona, laakiin kan ilaa ugu dambaysta adkaysta kaasaa badbaadi doona.
14Laakiin goortaad aragtaan waxa baas oo hallaynta ah oo taagan meeshii uusan lahayn inuu taagnaado (kii akhriyaa ha garto), markaas kuwa Yahuudiya joogaa buuraha ha u carareen. 15Kii guri fuushanuna yaanu guriga u soo degin oo gelin inuu wax ka soo qaato. 16Kii beer joogaana yaanu dib ugu noqon inuu dharkiisa soo qaato. 17Laakiin waa u hoog kuwa uurka leh iyo kuwa wakhtigaas ilmo nuujinaya. 18Barya inaan waxaasu noqon wakhtiga qabowga. 19Waayo, maalmahaas waxay ahaan doonaan dhib sida mid aan jirin tan iyo bilowgii abuurniinta oo Ilaah abuuray, mana jiri doonto weligeed. 20Oo haddaan Rabbigu wakhtigaas gaabin, ninna ma uu badbaadeen, laakiin kuwuu doortay aawadood ayuu wakhtigaas u gaabshay. 21Markaas haddii nin idinku yidhaahdo, Waa kan Masiixii, ama, Waa kaas, ha rumaysanina. 22Waayo, waxaa kici doona Masiixyo been ah iyo nebiyo been ah, oo waxay samayn doonaan calaamooyin iyo yaabab si ay xataa kuwa la doortay u khiyaaneeyaan hadday u suurtowdo. 23Laakiin idinku iska jira, wax walbaba horaan idiinku sheegaye.
24Laakiin wakhtigaas, dhibtaas dabadeed, qorraxdu waa madoobaan doontaa, dayaxuna ma nuuri doono, 25xiddiguhuna cirka waa ka soo dhici doonaan, xoogagga cirka ku jirana waa la gariirin doonaa. 26Markaasay waxay arki doonaan Wiilka Aadanaha oo daruuraha ku imanaya isagoo leh xoog badan iyo ammaan. 27Markaasuu wuxuu soo diri doonaa malaa'igihiisa, oo kuwuu doortay ayuu ka soo ururin doonaa afarta jahood ee meesha dhulka ugu fog ilaa meesha cirka ugu fog.
28Haddeer geedka berdaha ah masaal ka garta. Intii laantiisu curdan tahay oo caleemo bixinayso, waxaad garanaysaan inuu roobku dhow yahay. 29Idinkuna sidaas oo kale goortaad aragtaan waxaas oo dhacaya, garta inuu Wiilka Aadanahu dhow yahay oo albaabbada ag joogo. 30Runtii waxaan idinku leeyahay, Qarniganu ma idlaan doono intaanay waxan oo dhammi dhicin. 31Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaan, laakiinse hadalladaydu ma idlaan doonaan. 32Laakiin maalintaas iyo saacaddaas ninna waxba kama oga, malaa'igaha jannada ku jira iyo Wiilka toona, midna ma oga, Aabbaha keliya maahee. 33Iska jira oo soo jeeda, waayo, ma ogidin wakhtigu goortuu yahay. 34Waa sidii nin dal kale tegey oo gurigiisii kaga tegey. Addoommadiisa ayuu amar siiyey, nin walbana shuqulkiisa; wuxuuna amray albaabjoogahu inuu soo jeedo. 35Soo jeeda haddaba, waayo, idinku ma ogidin sayidkii guriga lahaa goortuu imanayo, inay tahay makhrib, ama habeenbadhkii, ama goortii diiqu ciyo, ama aroortiiba, 36waayo, waaba intaasuu idinku soo kediyaa oo uu idin helaa idinkoo hurda. 37Waxaan idinku leeyahay ayaan dadkii oo dhan ku leeyahay, Soo jeeda.

Halka aad jeclaan lahaayeen inaad soo socdaan?