1Maalmahaas dadkii aad buu u badnaa oo waxay cunaanna ma haysan, markaasaa Ciise xertiisii u yeedhay oo ku yidhi, 2Dadka badan ayaan u naxariisanayaa, waayo, durba saddex maalmood ayay ila joogeen, oo waxay cunaanna ma haystaan. 3Haddii aan guryahooda u diro, iyagoo sooman, jidkay ku itaalbeeli doonaan, waayo, qaarkood waxay ka yimaadeen meel fog. 4Kolkaasaa xertiisii u jawaabtay, oo waxay ku yidhaahdeen, Meeshan cidlada ah xaggee looga heli karaa kibis dadkanu ka dhergaan?